4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2022
Ciidanka Nabadsugida Jubbaland oo soo saaray miino lagu aasay xaafad ka mid ah magaalada Kismaayo
 

Axad, Juun, 5, 2022 (HOL) - Taliska ciidamada Nabadsugida dowlad goboleedka Jubbaland ayaa sheegay iney ku guuleysteen soo bixinta iyo kala furista qarax miino oo ay sheegeen in lagu aasay xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

War qoraal ah oo kasoo baxay Taliska hay'adda Nabadsugida Jubbaland ayaa lagu sheegay in ciidanka NISA ay ku guuleysteen iney soo bixiyaan qarax miino oo ku aasna dhulka oo ay sheegeen in la doonaayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed.

"Waxaan u mahadcelineynaa shacabka sida hagar la'aanta ah ula shaqeynaya hay'adaha amniga sida joogtada ahna ula soo wadaagaya waxyaabaha lidiga ku ah amniga si ay uga hortagaan ugana badbaadiyaan dadka iyo dalkaba" ayaa lagu yiri warka kasoo baxay hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Maamulka Jubbaland.

Taliska NISA ee maamulka Jubbaland ayaa tilmaamay in qaraxaasi miino ay aaseen Al-shabaab, islamarkaana ay la soo wadaageen dad shacab ah oo ay sheegeen in si hagar la'aan ah ula shaqeyaan hay'addaha amniga maamulka Jubbaland.

Gudaha magaalada Kismaayo waxaa dhowr jeer oo hore ka dhacay qaraxyo miino oo sababay khasaaroyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online