4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2022
Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo maanta si wadajir ah uga digay khatarta macaluul ba'an oo dilaacda Soomaaliya
 

Axad, Juun, 5, 2022 (HOL) - War-murtiyeed ay si wadajir ah u soo saareen dowladda Soomaaliya, hay’adaha gargaarka ayaa lagu sheegay in xaaladda abaaraha ay ka sii dari doonto ugu yaraan bisha Sebtembar, haddii xilliga Guga ee hadda lagu jiro uu fashilmo wax-soo-saarka dalagyada iyo xoolaha.

Kororka heerarka nafaqo-xumada ba'an iyo dhimashada ayaa muujinaysa in khasaare naf iyo maalba ay abaartu geysatay, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka oo qayb ka mid ah laga soo saaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Hay’adaha iyo dowladda ayaa sheegay in xaaladda gobolka Baay ay si gaar ah u khusayso warbixintan maadaama heerkii ugu sareeyay nafaqo-xumada ba'an ay soo food saartay degmada Baydhabo.

Sida warbixinta lagu sheegay, cunno yarida ba'an ayaa kasii dareysa guud ahaan Soomaaliya, iyadoo lagu qiyaasay 5.2 milyan oo qof (ama 33 boqolkiiba tirada guud ee dadweynaha) ay durba la kulmeen natiijooyin horey loosii saadaaliyay.

Dowladda Soomaaliya oo haatan taageero ka helayso hay'addaha samafalka ayaa bilowday gaarsiinta gargaar cunto ah oo la gaarsiinayo meelaha abaaruhu aadka u saameeyeen.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]