4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2022
Wariye Cumar Seerbiya oo lagu xidhay magaalada Hargaysa

Axad, Juun, 5, 2022 (HOL) - Wariye Cumar Cali Xasan (Cumar Seerbiya), oo ah saxafi caanku ah warinta arrimaha fanka iyo suuggaanta Soomaaliyeed, ayaa lagu xidhay magaalada Hargaysa.

Sawiro lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya askari booliis ah oo sii wada Seerbiya. Seerbiya oo ah wariye kasoo jeeda Somaliland, ayaa sannadihii u danbeeya ku noolaa magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Inkasta oo aan la ogayn sababta dhabta ah ee keensatay xadhiga Cumar Seerbiya, hadana waxa la filayaa in xadhigiisu uu ku lug leeyahay arrimo siyaasadeed, inkasta oo Seerbiya lagu yaqaano ka waranka fanka iyo suugaanta oo kali ah, hadana waxaa baraha bulshada lagu arkay sawiro uu kula jiro madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, taasi oo laga yaabo in loo qoonsaday.

Maaha markii kowaad ee Seerbiya Hargaysa lagu xidho afar sanno kahor, ayaa sidan oo kale xabsiga loogu taxaabay xili uu kasoo dagay madaarka Cigaal ee Hargaysa, waxaana lasii daayay saddex cisho kadib.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online