4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2022
Faysal Cali Waraabe: Waxa cad in madaxweyne Muuse uu go'aansaday in aanu kursiga ka dagin
 

Axad, Juun, 5, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee UCID, ayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ku eedeeyay in uu qorshaystay in aanu doorasho qaban, waxaanu ugu baaqay in uu is casilo.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng: Faysal Cali Waraabe, oo warbaahinta la hadlay, ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu go'aansaday in uu kursiga si sharci daro ah ugu sii fadhiyo kadib marka wakhtigiisu dhamaado.

"Waxa cad in madaxweyne Muuse Biixi ay ka go'antahay kursigan in aanu ka dagin, siduu doonaana uu ku fadhiyo, waxan idiin sheegayaa shacabka Somaliland Muuse dantiisa ayuu wataa dan qaran ma wado, dan umadeed ma wado kursiga la macaanaaday, wuxuu u diyaar yahay in uu 1994 dalka gaadhsiiyo" ayuu yidhi Faysal.

Guddoomiyaha ayaa ganacsatada iyo wax garadka Somaliland ugu baaqay in ay madaxweynaha u caqli celiyaan, waxaanu sheegay in hadii ay maanta qaban waayaan ay maalin kale garan doonaan.

"Dadka baayac-mushtariga leh ee lacagtoodii gashaday, ee aan codkoodii la maqlayn, maalin kale ayaad garan doontaan, hadii aad maanta ka hor tagi waydaan, balaayo waa laga hortaga, waxan leeyahay culimo awdiinta, salaadiinta, waar Muuse wuu qaldanyahe qabta" ayuu yidhi Faysal.

Waxa uu ku andacooday in madaxweyne Biixi uu nidaamkii doorashooyinka soo afjaray "Dimuquraadiyadii hal qof iyo hal cod wuu soo afjaray, sharci aan oolin oo aan samaysnayn ayuu leeyahay waan hirgalinayaa, urruro toos loo doortaa dalkeena sharcigiisa ma yaalo".

Waxa uu madaxweynaha ugu baaqay in uu kursiga baneeyo, oo la doorto madaxweyne ku meel gaadh ah oo Somaliland doorasho gaadhsiin kara, waxa uu ku andacooday in madaxweynuhu aanu lahayn awood hogaamineed.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online