4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2022
Guddoomiye Xirsi: Saddexdii xubnood ee u danbeeyay koomiishanka ayaa is casilay

Axad, Juun, 5, 2022 (HOL) - Xisbiga ugu wayn mucaaradka Somaliland ee Waddani ayaa xukuumada ku eedeeyay in ay kala dirtay guddidii doorashooyinka, oo qof qof isku casilay kadib khilaaf soo kala dhex galay oo aan xal loo helin.

Guddoomiyaha xisbiga Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo boqollaal taageerayaal ah kula hadlay badhtamaha magaalada Hargaysa, ayaa madaxweynaha Somaliland iyo xukuumadiisa ku eedeeyay in uu cadaadis saaray xubnaha guddida doorashooyinka ilaa ay iska casilaan.

"In badan ayaanu ka dignay in koomiishanka faraha lagula jiro, oo madaxweynuhu faraha kula jiro, waxaa caddaatay maanta, in saddexdii xubnood ee u danbeeyay ay ka baxeen kadib markii culays la saaray, oo madaxweynaha iyo xukuumadu ay saareen, iyadoo loogu hanjabayay in lasoo saarayo in warbixino ku lida, warbixno lagu beegsanayo" ayuu yidhi Xirsi.

Xirsi ayaa burburka Guddida Doorashooyinka Somaliland ku micneeyay, in ay hirgashay shirqool ay xukuumadu ku doonayso in ay sii taliso wakhti dheeraad ah oo sharci daro ah kadib marka uu wakhtiga sharciga ahi ka dhamaado 13 November ee sannadkan.

"Halkaa waxaa ku baxay koomiishankii doorashada dhexda u ahaa, waxaa muuqata ku talo galkii ay xukuumadani ku talogashay in ay dalkan sharciyadii ka dudo, in iyadu ay kaligeed joogto, in Muuse oo uu wakhtigii ka dhamaanayaa uu kaligii joogo" ayuu yidhi Xirsi.

Saddex xubnood oo kasii hadhsanaa guddida doorashooyinka ayaa is casilay, isla markaana Kaltuun Sh. Xasan Cabdi, oo ahayd guddoomiyihii cusbaa ee dhamaan xubnaha guddidu doorteen, ayaa qaraaqdeeda iscasilaada maanta u gudbisay madaxweyne Biixi, halka uu Xirsi sheegay in labadii kalena is casileen.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online