4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2022
Labo sano kadib xujeydii ugu horreysay oo gaaray dalka Sacuudiga

Axad, Juun, 5, 2022 (HOL) - Dufcaddii ugu horreysay ee Xujeyda ah ayaa gaaray dalka Sacuudiga, waana markii ugu horreysay tan iyo markii uu dillaacay cudurka safmarka ah ee Caronavirus.

358 Xujey ah oo ka yimid dalka Indonesia ayaa gaaray garoonka diyaaradaha ee Amiir Maxamed Bin Cabdulcasiis ee magaalada barakeysan ee Madiinah, sida ay ku warantay wakaalada wararka ee SPA.

Sacuudiga ayaa labadii sano ee la soo dhaafay ku xaddiday gudashada waajibaadka xajka xujeyda gudaha sababo la xiriira faafitaanka cudurka Covid19

60,000 oo Xujey ah ayaa gudatay waajibaadka Xajka sanadkii hore marka loo eego ku dhawaad 2.5 milyan oo gudatay sanadkii 2019-ka.

Sanadkan waxaa xajka ka xajindoona ugu yaraan hal milyan oo xujey ah oo ka kala yimid daafaha caalamka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]