4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 5 , 2022
Guddidii Doorashooyinka Somaliland oo si kama danbays ah u burburtay

Axad, Juun, 5, 2022 (HOL) - Waxaa is casilay dhamaan xubnihii ka hadhay Guddida Doorashooyinka Somaliland, oo ay kamid tahay guddoomiyihii dhawaan loo doortay guddida Kaltuun Sh. Xasan Cabdi.

Kaltuun ayaa qoraal ay baraha bulshada ku baahisay ku sheegtay in ay guddida ka tagtay "Maanta oo ay taariikhdu tahay 04/June/22, waxa aan u gudbiyay Madaxweynaha JSL Muddane Muuse Biixi Cabdi, qoraal aan ku cadeeyay in aan ka tanaasulay xubinimadii komishanka dooranshooyinka iyo guddoomiyenimadiiba".

Sidookale, labada xubnood ee kale, ayaa iyaguna is casilay sida uu sheegay Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Xirsi Cali Xaaji Xasan "Waxaa caddaatay maanta, in saddexdii xubnood ee u danbeeyay ay ka baxeen kadib markii culays la saaray, oo madaxweynaha iyo xukuumadu ay saareen".

Xubnaha guddida doorashooyinka ayaa si qof qof ah iskaga casilayay xubinimada guddida todobaadadii lasoo dhaafay, waxaana ugu danbeeyay guddoomiyihii hore ee guddida Cabdirashiid Maxamuud Cali Riyo-raac, oo 1 bishan si rasmi ah ugu dhawaaqay in uu ka tagay xubinimadii guddida.

Mucaaradka ayaa burburka guddida u arka in ay ka dhalatay guddi baadhiseed oo madaxweyne Biixi uu dhawaan u saaray in ay war ka keenaan khilaaf soo jiitamay lakiinse, dhawaan soo ifbaxay oo ka dhex taagnaa xubanaha guddida mudana aan xal loo helin.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online