4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2022
Musharax Cirro: Bannaanbaxa nabadgalyo ee dastuurku jideeyay wuu qabsoomaya

Sabti, Juun, 4, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa mar kale sheegay in uu dhacayo bannaanbixi nabadgalyo  ee ay ku baaqeen axsaabta mucaaradku, wuxuuna xukuumada uga digay in ay dhibaatayso bannaanbaxayaasha.

Musharaxa madaxweynaha ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo koox taageerayaal ah kula hadlay magaalada Hargaysa, ayaa carrabka ku adkeeyay in uu qabsoomayo bannaanbixi ay mucaaradku ku baaqeen.

"Bannaanbaxa nabadgalyo ee dastuurku jideeyay wuu qabsoomaya, anaana hogaaminaya, cidii u badheedhaysa in ay xabad ku rido cid aan hubaysnayn hasoo rido, waxan xukuumada talada haysa u sheegayaa waddankan xoog laguma qabsan, xoogna laguma haysan karo" ayuu yidhi Cirro.

Cirro waxa uu madaxweynaha ugu baaqay in uu qabto doorashada madaxweynaha, isagoo sheegay in hadii laga helana uu dhiibo hadii uu helana uu joogo, waxa kale oo uu diiday mudo kordhin loo sameeyo madaxweyne Biixi.

"Kursiga waa layskugu imanayaa, doorasha la qabanayaa, waxaanu leenahay waar doorashada qabo, sanaaduuqda dhig, tartan, hadii lagaa helana dhiib, hadad heshana joog, wax kabadani ma jirto, mudo kordhini ma jirto, mudo kordhini ma jirto" ayuu yidhi Cirro.

Cirro ayaa madaxweynaha ku eedeeyay in uu kala diray xubnihii guddida doorashooyinka "Koomiishankii doorashooyinka qaranka wuxuu ku guulaystay Muuse Biixi in uu xabad xabad u tanaasuliyo, oo lagu qasbo in ay tanaasulaan".

Xukuumada Somaliland ayaa mamnuucday mudaharaadka, ay xisbiyada mucaaradku ku baaqeen, kadib markii labada dhinac isku fahmi waayeen habka loo maamulayo isku soo baxa.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online