4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2022
Wasiirkii hore ee dhallinyarada Hirshabelle oo kulan dhiiragelin ah u sameeyay bahda kubadda koleyga


Sabti, Juun, 4, 2022 (HOL) - Wasiirkii hore ee Dhallinyarada iyo Ciyaaraha dowlad-gobolleedka Hirshabelle Cabdiqani Cabdullaahi Hilowle (Cabdiqani Jeenyo), ayaa maanta kulan dhiiragelin ah u sameeyay bahdii kubadda koleyga ee cayaaraha uga socda magaalada Muqdisho.

Kulanka waxaa kasoo qeyb-galay wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar, oo kamid ah bahda kubadda koleyga, guddoomiyaha xiriirka kubadda koleyga C/laahi Nuur Maxamed Cadaani, ciyaartooyda kubadda koleyga ee ka kala socday dalalka Tanzaniga, Ruwanda iyo Kenya iyo bahda kubadda koleyga ee dalka Soomaaliya.

Kulanka sidoo kale waxaa kasoo qeyb-galay gabdhihii ugu caansanaa kubadda koleyga ee xulka qaranka Soomaaliya, oo ay kamid ahaayeen Sucaad Cabdullaahi Galow oo u cayaari jirtay naadiga Horseed, Mulki Nuur Muudeey oo u cayaari jirtay naadiga Jeenyo iyo Geni oo u cayaari jirtay naadiga Ingi.

Yuusuf Garaad Cumar, ayaa ugu horeyn wasiirka dhallinyarada uga mahadceliyay isku keenida halyeeyada kubadda koleyga, isagoona bahda ciyaaraha kula dardaarmay muujinta maqaanka guud ahaan kubadda, gaar ahaan koleyga. “Kubadda koleyga ee Soomaaliya waxaa ay leedahay taariikh mug weyn”, ayuu yiri wasiir Yuusuf Garaad.

Wasiirkii hore ee dhallinyarada Cabdiqani Jeenyo, ayaa xusay in kulamada nooca oo kale ah ay soo nooleynayaan kubadda koleyga ee dalka Soomaaliya, maadaama wali ay joogaan ciyaartooydii u soo cayaaray xulka qaranka Soomaaliya.

“Dalka waxaa uu sameynayaa horumar dhinac kastaba ah, waxaana hadda dalkeenna ku sugan cayaartooy ajnabi ah oo kamid ah kooxaha ka dhisan dalka, taasi waxaa ay muujineysaa in kubadda loo soo jeestay”, ayuu yiri wasiirka, isagoona kusoo gunaanuday in uu mar walba u taaganyahay soo nooleynta kubadda iyo dhiiragelinta dhallinyarada hamiga u heysa cayaaraha kubadda koleyga.

Sucaad Cabdullaahi Galow ayaa hoosta ka xariiqday in isu-imaatinnada noocan oo kale ah ay dhiiragelin ballaaran u tahay dhallinyarada xiiseysay kubadda koleyga, ayna arki karaan in halyeeyadii qaranka ay wali isku duubanyihiin, diyaarna u yihiin taageerida kubadda koleyga.

“Kulanka waxaa looga hadlay horumarada laga gaaray dib-u-soo nooleynta kubadda koleyga, waxaana la ammaanay dhammaan bahda kubadda koleyga iyo dhallinyaro badan oo dibadda ka timid oo wax tar badan ku kordhisay kubadda”, ayey u sheegtay HOL.

Guddoomiyaha xiriirka kubadda koleyga C/laahi Nuur Maxamed Cadaani, oo ka sheekeeyay duruufaha xiriirka uu ku shaqeeyo ayaa xusay in bartamaha bisha Julay ee sannadkan ay xulka kubadda koleyga Soomaaliya ay aadi doonaan dalka Masar, halkaaso oo ay uga qeyb-geli doonaan tartanka ciyaartooyada da’dooda ay ka yartahay 18-ka sano.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]