4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2022
Shir caalami ah oo lagaga hadlayo nabada iyo dowlad dhiska oo Hargaysa ka furmay

Sabti, Juun, 4, 2022 (HOL) - Waxaa magaalada Hargaysa ka furmay shir caalami ah oo lagaga doodayo nabadda iyo dawlad-dhiska, kaas oo uu soo qabanqaabiyey  machadka laga leeyahay Koonfur Afrika ee The BRENTHURST Foundation ee uu hoggaamiyo Dr. Greg Mills.

Shirkan oo diirada lagu saarayo nabada iyo dowlad dhiska Afrika, ayaa lagu soo marti qaaday dad iskugu jira cilmi baadhayaal, aqoonyahanno, siyaasiyiin, saxafiiyiin iyo haldoor kale oo ka kala yimid ilaa 17 waddan. Shirkan ayaa sannadkasta lagu casuumaa waddamada Afrika ee muhiimka u ah nabada iyo degenaanshaha.

Dr. Greg Mills ayaa ka sheekeeyey nuxurka shirka sheegayna inuu salka ku hayo amniga iyo dhismaha dawladnimada, waxana uu tilmaamay inuu yahay shirkii ugu horreeyey ee machadkani ku qabto waddamada Geeska Afrika, islamarkaana ay ka maamul ahaan si buuxda ugu qushuucsan yihiin amniga, nabadda iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, sida madaxtooyada Somaliland sheegtay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo isagu shirka daahfuray, ayaa ka sheekeeyay taariikhda dheer ee ay Somaliland soo martay, dagaaladii, nabadayntii iyo dib u dhiskii, madaxweynaha ayaa sheegay in nabada Somaliland ay ku guulaysatay kadib markii khilaafaadka lagu xaliyay heer bulsho.

"Sida la wada ogsoonyahay Somaliland waxay ku guulaysatay inta badan xalinta khilaafaadka iyo qaran dhiska, taasi oo ay u sababtahay sida joogtada ah ee diirada loo saaray ku xalinta khilaafka heer bulsho, kahor inta aan laysku dayin in lagu xaliyo heer qaran" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Shirkan ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee lagu qabto waddamada Geeska Afrika, iyadoo uu machadka shirkan soo abaabulay uu Somaliland sannadkan u doortay in shirkan lagu qabto.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online