4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2022
Xukuumada Somaliland oo digniin u dirtay shirkadaha korontada
 

Sabti, Juun, 4, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa digniin u dirtay qaarkamid ah shirkadaha bixiya adeega korontada oo kor u qaaday qiimaha laydhka.

Shirkadaha digniintu ku socoto, ayaa fulin waayay amar ay xukuumadu ugu jaangoysay shirkadaha qiimaha korontada ay bixiyaan, oo ay amartay in halkii unit lagu iibiyo $0.39, halka shirkadaha amardiida sameeyay ay ku iibinayaan $0.84 halkii unit, qiimahaa oo bulshadu aad uga qaylisay.

"Shirkadaha kale ilaa hada kamay soo falcelinin waxaana nasoo gaadhaya in ay 0.84 ku gudbiyeen, sharciga Islaanka iyo xukuumadaba midna masuurogasho in loo shuraakoobo macaamiisha, si axsaarta loogu kiciyo" Guddoomiyaha Koomiishanka Tamarta  Somaliland Axmed Faarax Cadare, ayaa sida yidhi.

Cadare ayaa sheegay in anay aqbalayn in macaamiisha qiimaha lagu kiciyo, waxa kale oo uu sheegay in shaqada koomiishanka tamartu tahay ilaalinta danta macaamiisha iyo ganacsada.

"Miskiin ayaa misko la fuulo leh socon mayso, koomiishanku labada sanno ee uu jiray wuxuu u heeganyahay in uu ilaaliyo danta macaamiisha, iyo masaakiinta isla markaana uu ilaaliyo oo uu miisaamo danta maalgashiga" ayuu yidhi Cadare.

Shirkadaha bixiya adeega korontada ee Somaliland, ayaa shir ay yeesheen kadib isku raacay in ay qiimaha korontada kor u qaadan, taasi oo xukuumada Somaliland ganafka ku dhufatay.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online