4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2022
Xisbiga Waddani oo dhaliilay wax qabadka iyo hab dhaqanka xukuumada Somaliland
 

Sabti, Juun, 4, 2022 (HOL) - Xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani, ayaa xukuumada Somaliland ku eedeeyay in ay ku xad gudubtay xuquuqda xoriyada hadalka, iyo in anay  shacabka siin adeegyadii asaasiga ahaa.

Afhayeenka xisbiga Waddani Xildhibaan Barkhad Jaamac Xirsi Batuun, oo warbaahinta la hadlay, ayaa xukuumada ku dhaliilay biyo la'aanta ka jirta qaybo badan oo magaalada Hargaysa ka mid ah, isagoo sheegay in aan waxba laga qaban mudada 12 sanno ah ee uu Kulmiye talada hayay.

"Xukuumada Kulmiye waxay dalka timid Hargaysa oo biyooleyaal iyo booyado u dhaamiyaan, waxaana maanta uu mudo xileed keedii dhamaanayaa iyada oo booyado iyo biyooleyaal ay u dhaaminayaan" ayuu yidhi Batuun.

Batuun ayaa sidookale walaac ka muujiyay xaalada sicirbararka maciishada iyo adeegyada kale ee asaasiga ah sida korontada, isagoo sheegay in xukuumadu ay isku darsatay in anay bulshada wax adeeg ah siin, hadana anay xakamayn qiimayaasha  maciishada iyo korontada ee shirkaduhu sare u qaadeen.

Batuun dhinaca kale waxa uu xukuumada ku eedeeyay in ay meel kaga dhacday xuquuqda xoriyada hadalka, isagoo sheegay in qofkasta oo rayigiisa cabira la xidhayo, wariyayaasha ayuu sheegay in ay cabsi ku noolyihiin.

"Wax kale marka laga yimaada waynu la soconaa tacadiga dhacaya, qofka aragtidiisa cabiraa jeel ayuu ku jiraa, suxufiyiintiina inta halkan joogta hanjabaada laydin ku hayo waan ognahay, waxaynu ognahay oo Somaliland ka warqabtaa xoriyatul qowlkii sida xukuumada Kulmiye ula dagaalanto" ayuu yidhi Batuun.

Waxa uu bulshada ka codsaday in ay xukuumada la xisaabtamaan, oo ay muujiyaan dareen kooda ku aadan, sida ay uga xunyihiin qiimaha maciishada ee kor u kacay.



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online