4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2022
Qaramada Midoobay oo $20 million ugu yaboohday gurmadka abaaraha Soomaaliya
 

Sabti, Juun, 4, 2022 (HOL) - Ergeyga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa 20 milyan oo doollar uga qoondeeyay Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya, si gargaar degdeg ah loo gaarsiiyo bulshooyinka halista ugu jira abaaraha ee ku sugan goobaha darran.

Adam Abdelmoula, Xiriiriyaha Gargaarka Bini'aadantinimo ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, ayaa sheegay in dad badan oo Soomaaliyeed ay qarka u saaran yihiin macluul.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay, Soomaaliya waa dalka ugu badan ee ay abaaruhu saameeyeen ee Geeska Afrika. Ugu yaraan 6.1 milyan oo qof ayaa ay saamaysay, kuwaas oo 771,000 ka mid ahi ay ka tageen guryahoodii. iyagoo raadinaya biyo, cunto iyo daaq.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ugu yaraan 1.5 milyan oo carruur ah ay soo food saartay nafaqo-xumo ba'an, in ka badan 3,170 shuban biyood iyo 2,460 xaalad oo jadeeco ah.

"Waxaan ka walaacsanahay in tiro aad u badan oo dad ah ay gaajo u dhintaan haddii aan si degdeg ah kor loogu qaadin gargaarka bani'aadamnimo," ayuu yiri Abdelmoula.

QM waxa ay sheegtay in Qorshaha Waxqabadka Bani’aadantinimo ee Soomaaliya ee 2022, kaas oo lagu raadinayo 1.5 Bilyan oo Doollar si loo caawiyo 5.5 Milyan oo qof, uu helay kaliya 18 boqolkiiba dhaqaalaha loo baahan yahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]