4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2022
Magaalooyin kuyaala Maraykanka oo laga sameeyay mudaharaad looga soo horjeedo ciidamada Maraykanka ee loo dirayo Soomaaliya
 

Sabti, Juun, 4, 2022 (HOL) - 1, 400 qof oo ku nool magaalooyinka mataanaha ee Maryakanka, Minneapolis iyo Saint Paul Minnesota ayaa qaatay boodhadh ay ku qoran yihiin hal ku dhigyo ay kagasoo horjeedaan faro galinta Mareykanka ee Soomaaliya iyo duqeymaha uu ka geysto.

Bayaan ay soo saareen qabanqaabiyeyaasha Ololaha Nabadda ee Magaalooyinka Mataanaha ah ayaa lagu yiri, “Ciidamada Mareykanka lama dagaallamaan argagixisada, duqeymaha diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ma keenaan dimuquraadiyad. "

Maamulka Biden ayaa shaaca ka qaaday in 400 ilaa 500 oo askari oo Mareykan ah ay tagi doonaan Soomaaliya, waxaana Mareykanka uu qorsheynayaa in uu kordhiyo weerarada duqeymaha ah ee ka dhanka ah Alshabaab

Arrintaan ayaa kusoo beegmatay 24 saac kadib in Ciidamada Mareykanka ay fuliyeen duqeyn diyaaradeed oo lagu dilay shan xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

Duqeyntan waxay ahayd tii ugu horeysay ee lagu bartilmaameedsado kooxda Alshabab ee Soomaaliya tan iyo bishii February, waana weerarkii ugu horeeyay ee ka dhaca tan iyo markii Madaxweyne Joe Biden uu amar ku bixiyay in ciidamo badan oo Mareykan ah ay dib ugu soo laabtaan gudaha Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]