4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 4 , 2022
Soomaali dil iyo dhaawac loogu geeystay tuulo hoostimaada Magaalada Cape Town
 

Sabti, Juun, 4, 2022 (HOL) - Cabdirashiid Axmed Shiiq Muxudiin iyo Mowliid Axmed Cadde, ayaa ku dhintay Weerarkii ay Caawa Burcadda hubaysan ku qaadeen Labo Dukaan oo iskasoo horjeeda oo ay Ganacsato Soomaaliyeed lahaayeen, kuwaasi oo ku yaalla Tuulada Strand ee Magaalada Cape Town.

Tirada Dhaawacana waa Sadex Muwaadin, sida  Walaalaha goobta tagay iyo dhakhaatiirta Isbitaalaadka dhaawacyada la geeyey xaqiijinayaan.

Booliska Koonfur Afrika, ayaa sheegay inay ku raad-joogaan kuwa musiibadan gaystay, gacantana ay kusoo dhigi doonaan.

Gudoomiyaha jaaliyadda Soomaalida Amiir Sheikh ayaa cambaareeyay weerarka khasaaraha nafeed geeystay oo ay burcada hubeeysan ku qaadeen dukaamaha ay lahayeen ganacsatada soomaalida ah.

Amiir Sheikh ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in labo dukaan oo iska soo horjeeda 2 muwadin oo soomaaliyeed lagu dilo, 3 kalana lagu dhaawaco, tacsi mooye aan wax fal celin ah laga samayn, ama dilalka gobolka kusoo batay aan la iska wareeysan,

Omar Kiyow
Johannesburg