4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 3 , 2022
Madaxweyne Xasan Sheekh "Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la’isaga xorreynayo"
 

Jimco, Juun, 3, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad ka jeedinaayey munaasabad soo dhaweyn ah oo ay ku maamuuseen madaxda iyo bulshada maamulka Galmudug ayaa ka warbixiyey mudnaanta uu siinayo daadejinta adeegyada dowladda, adkeynta dimuqraadiyadda dalka iyo dib u heshiisiinta shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in caqabadda ugu weyn ee dib u dhigtay nolasha shacabka Soomaaliyeed ay tahay amni darrada iyo falalka arxan darrada ah ee ay soo maleegaan Alshabaab, isagoo soo bandhigay sida shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdooduba ay maanta ugu taagan yihiin inay wadajir uga xoreeyaan dalka.

“Muwaadinka Soomaaliyeed caawa gurigiisa in uu nabad ku gam’o ayaan rabnaa, marka uu safrayo oo uu waddada marayo goormaa miino kula qarxeysaa in aanu is dhihin baan rabnaa, saaka hooyo waa baxdaye, nabad maku soo noqoneysaa carruurtu in aysan is dhihin baan rabnaa” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay in dowladda ay bilaabi doonto guluf ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, si dadka Soomaaliyeed looga xorreeyo, sidaas daraaadeed, waxa uu Galmudug ugu baaqay in ay hormuud ka noqoto qorshahaas.

“Waxaan rabnaa Galmudug in ay bilowdo mashruuca nabadiidka la’isaga xorreynayo, kaddibna dadka kale ay ku daydaan” ayuu yiri madaxweynaha dalka Xasan Sheekh.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kula dardaarmay madaxda dowladda iyo dadka Galmudug in ay ka digtoonaadaan khilaafaadka, quluubtana isu furaan oo ay gacmaha is-qabsadaan si ay horumar buuxa uga hirgeliyaan deegaankooda, nolol wanaagsanna ugu abuuraan ubadkooda.

“Walaalihii iyo saaxiibadii ay wax ku soo kala gaareen waddadii la soo maray, waxaan leeyahay cayaarta wey soo dhammaatay, caadi iska dhiga. Haddii ay dadku dhihi jireen, bus-ku waa buuxaa, meel laga fuulo ma leh, tareen aan dhammaaneyn baa taagan, aan tareenka wada raacno, nabadda iyo aayahana aan aadno" ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkaan kasoo yeeray madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa imaanaya xili uu safar booqasho ah uu maalintii labaad ku joogo magaalada Dhuusamareeb ee xarunta maamulka Galmudug, kaasoo qeyb ka ah safar uu madaxweynaha ugu magacdaray Soomaali heshiis ah.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online