4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 3 , 2022
Guddoomiyaha Degmada Afgooye oo shaqo joojin lagu sameeyay

Jimco, Juun, 3, 2022 (HOL) - Wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya anha ku simaha wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Maxaad Maxamed Ciise ayaa shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose Abuukar Maxamed Cumar.

Wasiir Maxaad ayaa shaqo ka joojinta uu ku sameeyay guddoomiyaha degmada Afgooye u sababeeyay amar diido, ku takrifal awood maamul iyo iska horkeen maamulka dhexdisa ah.

Shaqo ka joojinta guddoomiyaha degmada Afgooye ayaa ku soo beegmeysa, kadib markii uu shalay xilka u kala wareejiyay maamulkii hore iyo maamul cusub oo uu u magacaabay deegaanka Jasiira.

Maxaad Maxamed Ciise ayaa haatan ah ku simaha wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose, islamarkaana ah wasiir ku xigeenka wasaaraddaas, waxaana wasiirkii xilka wasaaradda arrimaha gudaha haayay uu noqday Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay guddoomiyaha shaqo joojinta lagu sameeyay ee degmada Afgooye Abuukar Maxamed Cumar oo ku aadan shaqo joojinta lagu sameeyay.


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online