4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2022
Madaxweynaha Somaliland: Soomaaliya waxaan leeyahay aynu kala gar baxno
 

Axad, Juun, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa dowlada Soomaaliya ugu baaqay in ay Somaliland ka garbaxdo, oo anay kaliya afmacaan kula hadal.

Madaxweynaha oo hadal ka jeediyay xuska munaasinada maalinta xoriyada Somaliland ee  26 Juun oo ka qabsoontay qasriga madaxtooyada, ayaa sheegay in loo baahanyahay in Somaliland iyo dowlada Soomaaliya ay gar dhigtaan.

"Dowlada cusub ee ay dhisanayaan, iyo ninkaa odayga ah ee wadahadaladeena iyo aynu xogogaal badan u tirinayno, ee madaxweynaha ah iyo hadalkaa wanaagsan ee mar walba yidhaahdaan walaalahayaga Somaliland waanu wanaajinaynaa, waar hana wanaajinine aynu kala garbaxno ayaan leeyahay" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Wadahadalada Somaliland iyo Soomaaliya ayaa hakad galay in muddo ah, iyada oo xukuumada Somaliland ay dowlda Soomaaliya ku eedeeysay in anay daacad ka ahayn ka midhodhalinta wadahadalada.

Hadba, madaxweynaha cusub ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo horay woxogaa horumar ah uga sameeyay wadahadalada wakhtigii hore ee uu talada hayay, ayaa laga rajaynayaa in uu dib u ambaqaado wadahadaladii.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]