4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2022
Raysal wasaare Xamse: Madaxweynaha waan is khilaafi karnaa, laakiin waxaan heli karnaa hab aan ku xallin karno
 

Axad, Juun, 26, 2022 (HOL) - Raysal wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre oo shalay xasaanad ka helay barlamaanka Soomaaliya, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay suurtagalnimada in khilaaf dhexmari karo isaga iyo madaxweynaha, si lamid ah madaxdii dowladdihii ka horeeyay.

Raysal wasaare Xamse oo wareysigii ugu horreeyay siiyay VOA Somali, waxa uu sheegay inuu aaminsan yahay, in isaga iyo madaxweynuhu is khilaafi karaan, yeellana karaan aragtiyo kala duwan.

Raysal wasaaraha wuxuu sheegay in loo baahan yahay, in khilaaf kasta oo yimaada lagu xallin karo hab farsamo. Wuxuuse rajo weyn ka muujiyay inay madaxweynaha si dhow u wada shaqayndoonaan.

Wuxuu sheegay inuu soo dhisidoono xukuumad awood u leh fulinta ajendayaasha waawayn ee dowladda horyaala. Wuxuu tilmaamay inuu xukuumadaas usoo xulandoono cid walba oo leh, hufnaan, aqoon iyo karti.

Wuxuu iska fogeeyay in xukuumadiisu kaliya ka imaandoonto ururkooda UPD ee uu madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud guddoomiyaha ka yahay.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]