4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 26, 2022
Madaxweyne Biixi: Xilka nabada, dulqaadka iyo dhagaysigu dowlada ayuu saaranyahay
 

Axad, Juun, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu diyaar u yahay, in uu la hadlo oo uu dhagaysto mucaaradka.

Madaxweyna oo ka hadlayay xuska munaasibada maalinta xoriyada Somaliland ee 26 Juun, ayaa sheegay in xukuumada ay saarantahay masuuliyada dhagaysiga  cabashada mucaaradka, isla markaana xukuumadiisu ay diyaar u tahay in ay dhagaysato.

"Waxaynu ku jirnaa sannad doorasho, doorashana waynu naqaana oo cartan keeda ayay leedahay, xilka nabada, dulqaadka iyo dhagaysigu dowlada ayuu saaranyahay, madaxweynaha ayuu saaranyahay, ana waanu ogolnahay" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa mucaaradka ka codsaday in ay la kulmaan oo ay madaxtooyada ugu yimaadaan, si loo dhameeyo khilaafka ka taagan doorashooyinka sannadkan mudaysan, ee madaxtooyada iyo urrurada siyaasada.

"Mar walba waanu u gacan haadinaynaa, oo waxaanu leenahay, walaalayaal isku keen keena, halkaa madaxtooyaduna qaranka ayay ka dhaxaysa oo laydin kama xigo, kaalaya wexeena aynu dhamaysane ayuunbaanu la taaganahay, hadana waanu la taaganahay, Illahay qalbigooda taa ha tuso ayaanu leenahay" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa dhinaca kale, u mahadnaqay guddida dhexdhexaadinta ee iskeed isku xilqaantay "Waxan u mahadnaqayaa odayaasha is-xil-qaamay ee damqaday ee culimo leh, ee madax dhaqameed leh ee aqoonyahan leh".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]