4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2022
Barlamaanka Soomaaliya oo ansaxiyey raysal wasaaraha cusub ee Soomaaliya
 

Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhowayd cod aqbliyad leh ku ansaxiyey Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre, kadib markii uu maanta hortagay oo uu ka jeediyay barnaamijkiisa siyaasadeed ee xukuumada soo socota.

220 Xildhibaan oo ku sugnaa fadhiga barlamaanka, ayaa dhamaantood u codeeyay Ra'iisul Wasaaraha, mana jirin wax diiday ama ka aamusay xasaanad siintiisa.

Sidoo kale guddoomiyaha Maxkamada sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed ayaa isla goobta ku dhaariyay ra'iisul wasaare Xamse Cabdi Barre, si uu u guto waajibaadkiisa.

Raysal wasaare Xamse ayaa haatan isku diyaarinaya sidii uu xilka ugala wareegi lahaa raysal wasaare Maxamed Xuseen Rooble oo muddo ka badan bil ahaa sii haya xilkaan.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo qorshuhu ahaa inuu raysal wasaaraha horgeeyo barlamaanka ayaa ka baaqday sababa la xiriira kadib markii shalay laga helay xanuunka Covid19.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]