4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2022
Wasiir katirsan Puntland oo daboolka ka qaaday cidda masuul ka ahayd guul darradii Deni ee doorashada Soomaaliya

Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Wasiir katirsan maamulka Puntland ayaa ku eedeeyay xildhibaannada Puntland lagasoo doortay inay masuul ka yihiin guul darradii madaxweyne Deni kasoo gaartay doorashadii madaxtinimada Soomaaliya.

Wasiirka Tamarta iyo macdanta Puntland, Caarshe Maxamed Siciid Aw-Muuse, oo dhinaca kale kamid ahaa tiimkii ololaha doorashada Deni, ayaa daboolka ka qaaday in dhaqaale badan oo lagu bixiyay soo bixitaanka xildhibaannadan aanay suurto galin, in madaxweyne Deni uu ka helo codadkii uu kaga bahnaa.

“Nasiib darrada eedeeda xildhibaannadeenii baa iska lahaa, haddii runta la isku sheego. Waa in lagu dhiirto oo runta la isku sheego. dhaqaale badanaa lagu bixiyay, nabaro badan ayaa la isku geystay. Waxaas oo dhan waxaa loo sameynayay inaan cirbada kululaysada ku dhufano siyaasada Soomaaliya, si ay horey ugu socoto, laakiin nasiib darro ma suurtoobin,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirkan ayaa sidoo kale xaqiijiyay in guul darrada madaxweyne Deni kadib ay Puntland raadisay raysal wasaaraha Soomaaliya, wuxuuna sheegay in aanay ka suurtoobin xagga madaxweyne Xasan Sheikh.

Wuxuu caddeeyay inay Puntland hadda kadib ku mashquulidoonin arrimaha dhismaha dowladda federalka islamarkaana ay ka hor imaandoonto wax walba oo Puntland horey uga diiday Farmaajo.

“Wixii qaldan waan sheegaynaa, waxaan leennahay, waxaas waa laga fiican yahay. Farmaajo wax kale kuma diidanayn, Simply aragtiyo siyaasadeed ayaa lagu kala duwanaa. Haddii aragtiyo siyaasadeed oo lagu kala duwan yahay timaado, waan tilmaamaynaa. Marka wixii aan Farmaajo ka diidnay yaanan nala ku dayin ayaan leennahay,” ayuu hadalkiisa raaciyay Caarshe.

Puntland oo dowladdii hore ku ahayd mucaarad xooggan tan iyo wax yar kadib markii madaxweyne Farmaajo la doortay, lama oga wada shaqaynta dhexmari doonta madaxweyne Xasan Sheikh.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]