4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 25, 2022
Raysal wasaaraha Soomaaliya oo maanta hortagaya Baarlamaanka Soomaaliya
 

Sabti, Juun, 25, 2022 (HOL) - Xildhibaanadda Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Fedaraalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Sabti ah fadhigooda waxay ugu codeynayaan Raysal wasaaraha cusub ee dhawaan la magacaabay Xamse Cabdi Barre oo haddii uu codka kalsoonida uu ka helo Baarlamaanka Soomaaliya soo magacaabi doono Xukuumad sidaan oo kale u hortagi doonto Golaha Shacabka.

Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loo diray fariimo lagu wargelinaayo in kulankooda Maanta uu ku hor imaanayo Raysal wasaaraha uu magacaabay Madaxweynaha dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud 15-kii bishaan June 2022.

Xamse Cabdi Barre ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay kulamo uu kaga codsaanayay Xildhibaanada Golaha Shacabka codkooda kalsoonida iney ku siiyaan kula qaatay gudaha magaalada Muqdisho, si uu usoo dhiso Xukuumad tayo leh oo wax ka qabata xaalada adag ee uu dalka ku jiro.

Raysal wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa hadii uu ka helo Baarlamaanka Soomaaliya codka kalsoonida waxa uu noqonayaa Raysal wsaarihii 21-aad dowladda Federaalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online