4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 24, 2022
Xukuumada Somaliland oo ka jawaabtay go'aankii ay soo saareen shirkadaha korontadu

Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland ayaa wax aan la aqbali karin ku tilmaantay, go'aanka shirkadaha korontadu ku sheegeen in ay korontadu maqnaan doonto habeenkasta saacadaha u dhexeeya 11:00 ilaa 4:00 habeenimo laga bilaabo 1 August.

Guddoomiyaha Koomiishanka Tamarta Somaliland Axmed Faarax Cadare, oo warbaahinta la hadlay, ayaa madax-adayg iyo sharci jabin ku tilmaamay go'aanka ay shirkaduhu gaadheen, isla markaana waxa uu sheegay in aan loo dulqaadan doonin.

"Waxa ayaan daro ah in shirkadihii laydhku iyaga oo magac isticmaalaya aan lagu midaysnayn waliba, ay ka daba hadlaan golihii wasiirada, waxa halkaa ka muuqata madax adayg, waxa halkaa ka muuqata in aan sharciga loo hogaansamayn, taasina qaranka J. Somaliland waxay ku tahay waxan loo dulqaadan doonin" ayuu yidhi Cadare.

Cadare waxa uu sheegay in biyaha iyo laydhku ay yihiin dan guud isla markaana kolba cidii xukuumadu u xilsaarta ay hogaamiso, sidaa darteedna hadii shirkaduhu ay falkaa ku kacaan, ay xukuumadu ruqsado siin doonto muwaadiin kale si ay u buuxiyaan adeega ay baneeyeen  shirkadaha laydhku.

"Sida dastuurku sheegayo laydhka iyo biyaha qaranka ayaa iska leh, hadba cidii nasiib u yeelata in ay hogaamiso ayaa hogaamisa... waxa jira reer Somaliland badan oo u diyaar ah in ay gaabkaa banaanaday buuxiyaan, xukuumada iyo koomiishankuna way kusoo dhawaynayaan" ayuu yidhi Cadare.

Shirkadaha laydhka ayaa ku andacoonaya in shidaalka qaaliyoobay darteed anay awoodin in ay bixiyaan adeeg koronto oo 24 saac ah, isla markaana anay xataa haysan shidaal ku filan.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]