4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 24, 2022
Cabdiraxmaan Cabdishakuur: Waa in hoos loo dhigaa maalmaha xurriyada sababtoo ah gob ma ahan qof dadkiisu Gaajo u dhimanayaan
 

Jimco, Juun, 24, 2022 (HOL) - Ergayga madaxweynaha Soomaaliya uqaabilsan arrimaha abaaraha, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa soo jeediyay in hoos loo dhigo xuska maalmaha xorriyada dalka, isagoo sheegay dalku inuu ku jiro xaalad aan mudnayn dabaal deg.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka qeyb galayay barnaamij dood wadaag ah, ayaa sheegay in loo baahan yahay in indhaha bulshada lagu jeediyo arrimaha abaaraha, halkii lagu mashquuli lahaa xuska xurriyada.

Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in sida ugu fudud loo sameeyo xuska maalmaha xuriyada Soomaaliya, haddiiba aan la iska dhaafin, sababtoo ah wuxuu sheegay, Soomaaliya oo dadkeedu gaajaysan yihiin in aanay u dabaal degi karin wax la yiraahdo xorriyad.

” Waa in hoos loo dhigaa debaal degga maalmaha xurriyada sababtoo ah gob ma ahan qof ay dadkiisii Gaajo u dhimanayaan,” ayuu yiri ergayga abaaraha.

Sannad walba dowladda Soomaaliya ayaa dhaqaale badan ku bixisa xuska sannad guurooyinka maalmaha xurriyada oo kala ah, 26 june oo ah xornimadii gobolada waqooyi iyo kowda Luulyo, xornimada gobolada koonfureed iyo israacii labada gobol.

Haatan, waxaa magaalada Muqdisho ka socda qaban qaabada xafladdo ballaaran oo loogu diyaar garoobayo xuska maalmahaas. Lama oga in madaxweynuhu qaadan doono talada ergayga abaaraha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]