4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2022
Ciidamada dowladda iyo kuwa Nabadsugida Jubbaland oo howlgalo lagu dilay xubno ka tirsan Al-shabaab ka sameeyay deegaano hoostaga Kismaayo


Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan ururka 5-aad ee guutada 16-aad ee Danab iyo ciidamada Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Jubbaland ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyey deegaano ku yaala galbeedka magaalada Kismaayo oo ay ka mid yihiin Beerxaani, Qudus, Dharkeyn Urur, yaaq dabayl iyo Barjalla ee gobolka Jubbada hoose.

Howlgalada ayay ciidamada iskaashanaya waxay ku sheegeen iney ku burburiyeen taliskii qaraxyada ee aagaas ku lahayeen Al-shabaab, islamarkaana ay gacanta ku dhigeen maadooyinkii ay u isticmaalayeen sameynta qaraxyada.

Waxaa sidoo kale la sheegay in ciidanka ay gacanta kusoo dhigeen mudadii ay howlgalada ka wadeen deegaanada dhaca Galbeedka magaalada Kismaayo miinooyin isugu jira kuwa dhulka la galiyo iyo kuwa dhajiska ah ee lagu xiro baabuurta iyo guryaha.

Taliyaha Ururka 5-aad guutada 16-aad kumaandooska Danab Carab Dheeg Axmed oo la hadlaayay warbaahinta qaranka ayaa  sheegay in howlgalka intuu  socday lagu diley 2 askari oo ka tirsan ciidanka Shabaab, islamarkaana laga furtay 2 qori oo nooca Ak47 loo yaqaano, islamarkaana ciidanka ay noloasha kusoo qabteen 4 ka mida kuwa uruuriya lacagaha sakawaadka.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa inta badan howlgalo noocaan oo kale ah ka sameeya deegaanada iyo degmooyinka ay Al-shabaab kaga sugan yihiin gobolada dalka Soomaaliya.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online