4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 23, 2022
Itoobiya : Xujaydii kasoo xajiyi lahayd sannadkan dalka Itoobiya oo ay dhibaato lasoo daristay
 

Khamiis, Juun, 23, 2022 (HOL) - Dalka Itoobiya dadkii loo qorsheeyay inay sannadkan xajka ka tagaan ayay dhibaato lasoo daristay, kaddib markii maamulka sare ee Arrimaha Islaamka ee Itoobiya ay dadkaasi u sheegeen inaan loo wada hayn lacag Dollar ah oo lasiiyo.

Ilaa hadda dadka loo helay dollar ay ku tagaan xajka ayaa tiradooda lagu sheegay ilaa 3000 oo xujay, halka 1000 xujay ahna la ogaysiiyay inay sugaan inta lacag dollar ah loo helayo, iyadoo tirada xujayda loo oggolaaday sannadkan inay dalka Itoobiya kasoo xajiyaan ay ahayd ku dhawaad 12,000 oo xujay ah.

Arrintan ayaa ka dhigan in xujaydii ugu badnayd ee kasoo xajiyi lahayd Itoobiya ay sannadkan ka baaqanayaan xajka, sababo la xiriira lacagtii dollarka ahayd ee ay usii qaadan lahaayeen xajka oo loo waayay.

Lama oga waxa keenay in dollar loo waayo xujaydan kasoo xajiyi lahayd Itoobiya, balse dadka intiisa badan ayaa dhibaatadan u sababaynaya khilaafka xooggan ee soo kala dhex galay culimada u sarreysa ee hoggaanka u haya Xafiiska Golaha sare Arrimaha Islaamka ee Itoobiya, taas oo keentay inay xujaydani waayaan cid qaabisha cabashadooda oo xal u raadisa.

Waxaa xusid mudan in dadkan xajka loo diyaariyay ay ka kala yimaaddeen degaannada uu ka kooban yahay dalka Itoobiya, iyagoo kasoo gudbay su'aalihii iyo shuruuddii xujayda looga baahnaa, haddana ay ku sugan yihiin magaalada Addis Ababa oo ah halja ay ka ambabixi lahaayeen, lacago tiro badana laga qaaday dadkan xajka loo diyaariyay, balse uu lasoo darsay dhibkan amakaaga ku noqday.

Dalka Itoobiya oo nasiib u helay inay kasoo xajiyaan dad kor u dhaafaya 10,000 oo qof ayaa laga yaabaa inay xajka ka tagaan tiro xitaa kala badh aan gaarayn tiradii hore ee loo oggolaaday, iyadoo aan wada xasuusanahay in Itoobiya ay ku nool yihiin muslimiin aad u badan.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]