4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 22, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya dagaalo ka kala dhacay Afgooye iyo Bariire
 

Arbaco, Juun, 22, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaalo khasaare kala duwan geystay oo Al-shabaab iyo ciidamada dowladda ku dhexmaray degmada Afgooye iyo deegaanka Bariire oo ka wada tirsan gobolka Sh/hoose.

Dagaalka Bariire ka dhacay ayaa la tilmaamay inuu ahaa mid xoogan, kadib markii dagaalyahanada Al-shabaab ay deegaankaasi weerareen ilaa tiro sadax jeer ah xalay oo qura.

Dagaalka Bariire ayaa la sheegaya inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, hayeeshee lama oga khasaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarada rogaal celiska ahaa ee xalay tirada sadaxda jeer ah Al-shabaab ku qaadeen gudaha deegaanka Bariire.

Waxaa sidoo kale dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay xalay weerar ku qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya oo ku sugna Buundada yar ee degmada Afgooye, waxaana la soo warinayaa iney jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac leh oo labada dhinac ku kala gaaray dagaalkaasi.

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa inta badan ku dagaalama deegaanada iyo degmooyinka gobolka Sh/hoose, kuwaas oo ku loolamaya gacan ku heynta deegaanada iyo degmooyinka gobolkaasi Sh/hoose.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online