4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 21, 2022
Puntland oo xukun dil ah ku riday 4 nin oo katirsan Alshabaab oo ka dambeeyay dilal iyo qaraxyo ka dhacay Bosaso
 

Talaado, Juun, 21, 2022 (HOL) - Maxkamadda Ciidamada qalabka ee Puntland ayaa maanta dil toogasho ah ku xukuntay 4 kamid ah shabakad katirsan Alshabaab, kuwaas oo qaraxyo iyo dilal madax jabis ah ka geysan jirey Boosaaso.

Raggaan ayaa shalay la dhegaystay kiiskooda waxayna dhammaantood qiraal ku sheegeen inay ka dambeeyeen qaar kamid ah dambiyada lagusoo eedeeyay.

Waxay qaar kamid ah qirteen inay fuliyeen qaraxii Bosaso lagula eegtay madaxweynaha Puntland oo ay ku geeriyoodeen labo askari iyo dilkii Suldaan Muuse Koonte oo 2019 lagu dhex dilay masaajid dhexdiisa.

Waxay kaloo qirteen qaraxyadii ka dhacay magaalada Bosaso, sida qaraxii lagu dilay labo caaqil oo kamid ahaa ergooyinkii doorashada kursiga wasiir Jamaal.

Maxkamadda waxay amartay in si degdeg ah lagu horkeeno eedeesanayaal kale, kuwaas oo iyagana loo haysto qaar kamid ah dambiyada raggaan lagu helay.

Waxay maxkamaddu racfaan soddon cishe siisay ragga la xukumay oo lagu kala magacaabo, Jaamac Aadan  Tusbaxle, Ayuub Cumar Shire, Cabdullaahi Salaad Booos Mohange iyo Maxamed Abshir Muuse Olyo.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]