4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Jun 20, 2022
Khilaafka madaxweyne Deni iyo ku xigeenkiisa Axmed Karaash oo sii xooggaysanaya
 

Isniin, Juun, 20, 2022 (HOL) - Madaxweyne ku xigeenka maamulka Puntland Axmed Karaash, ayaa diiday inuu shir kala qeyb galo wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo kamid ahaa saddexdii wasiir ee uu xilka ka qaaday 5tii bishii may.

Axmed Karaash ayaa ku amray wasiirka arrimaha gudaha inuu ka baxo shir arrimaha dowladdaha hoose looga hadlayay, arrintaas oo markii dambe keentay in shirkii lagu kala tago.

Waxaa weli muuqda in Axmed Karaash uu ku adkaysanayo xilalkii uu ka qaaday wasiiradda arrimaha gudaha, amniga iyo maaliyadda, kuwaas oo lagu tiriyo saaxiibada madaxweyne Deni.

Dhinaca kale, barlamaanka Puntland ayaa madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ku cadaadinaya inay heshiis ka gaaraan khilaafkooda, iyadoo laga yaabo in barlamaanka oo hadda ku jira kalfadhigiisa uu mooshin ka keeno Golaha wasiiradda.

Ajendaha kalfadhiga barlamaanka waxaa ku jira qodob ku saabsan khilaafka madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka, arrintaas oo u muuqata mid xal loogu raadinayo khilaafkooda oo saameyn ku yeeshay shaqooyinka maamulka.

Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in madaxweyne Deni uu maanta kulan gaar ah la qaadanayo ku xigeenkiisa, iyada  oo la filayo inay kawada hadlaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafkooda soo jiitamayay muddada.

Deni oo dhowaan kusoo guul daraystay doorashadii madaxweynaha dalka, ayaa haatan culaysyo badan wajahaya, waxaana horyaala sidii uu u maarayn lahaa tabashooyinkii ka dhashay doorashadii xildhibaannada barlamaanka.

Abdisalan Nur Dirie, Hiiraan Online
[email protected]