4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 2 , 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo wajahan magaalada Dhuusomareeb
 

Khamiis, Juun, 2, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo maanta soo gabagabeynaya socdaalka uu ku joogo koonfur Galbeed, ayaa ku wajahan magaalada Dhuusomareeb ee caasimadda Galmudug.

Wafdi horudhac ah oo isugu jira xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa tagay magaalada Dhusoomareeb, iyagoo u gogol xaaraya soo dhowaynta madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheikh Maxamuud.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa socdaakiisa ugu magac daray “socdaalka nabada iyo Soomaali heshiis ah”, wuxuuna kulamo lasoo qaadanayaa maamulka Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Wuxu sheegay inaanu jirin wax shar iyo abaabul qaab darran ah oo laga filan karo dowladdiisa, isagoo sheegay taas beddelkeedna inay jirto nabad iyo saaxiibtinimo ay wado dowladdiisa.

Lama oga socdaalka madaxweynaha inuu yahay socdaal uu sidoo kale ku tagidoono dhammaan dowlad goboleedyada dalka, iyadoo aan weli la gaarin munaasabada caleemo saarkiisa oo dhowaan ku beegan. 

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]