4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 19, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta u ambabaxay safarkiisii ugu horeeyay ee dalka dibadiisa ah
 

Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda Fedaraalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa Maanta u ambabaxay dalka isutaga Imaaraadka Carabta.

Madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa ayaa martiqaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Isutaga Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed Binu Saayid.

Socdaalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu qaadan doono labo maalmood, kaasoo ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeeynta isku socodka, ganacsiga iyo sare u qaadista iskaashiga labada waddan oo mudooyinkii dambe yara xumaa.

Safarka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa noqonaya safarkiisii ugu horeeyay ee uu ugu ambabaxo dalka dibadiisa tan markii loo doortay xilka madaxweynaha Soomaaliya 15-kii bishii May ee sanadkaan 2022.

Si kastaba ha ahaatee waxaa xusid mudan in shalay uu safar dibada ah u baxay gudoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Madoobe, waxaana sida dastuurka  dalka qoran kusime madaxweyne sii ahaan doono inta ay dalka dib ugu soo laabanayaan madaxda dalka, gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka Sacdiyo Yasiin Xaaji Samatar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online