4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 19, 2022
Haweeney markii koowaad kusime madaxweyne ka noqotay Soomaaliya

Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee barlamaanka Soomaaliya, Marwo Sacdiyo Yaasiin Samatar, ayaa noqotay ku-simaha madaxweynaha Soomaaliya, kadib markii maanta madaxweynaha Soomaaliya uu safar labo cishe qaadanaya ku aaday dalka Imaaraatka Carabta.

Waa markii ugu horeysay oo qof haweeney ah ay Soomaaliya ku-sime madaxweyne ka noqoto. Waana taariikhdii koowaad oo ay sameyso guddoomiye ku xigeenka koowaad ee barlamaanka.

Horey waxay u noqotay haweeneydii Soomaaliyeed ee ugu horraysay ee kamid noqoto guddoonka golaha shacabka, taariikhdaas oo ah mid aan horey Soomaaliya uga dhicin.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa saakay kulan garoonka Aadan Cadde kula sii qaatay guddoomiye ku xigeenka barlamaanka. Lamase oga waxyaabaha ay kawada hadleen.

Safarka Madaxweynaha ayaa ku qotoma xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal, fududeynta isu-socodka, ganacsiga iyo sare u qaadidda iskaashiga labada waddan.

Waa safarkii ugu horeeyay ee madaxweynaha Soomaaliya ku tagayo dalka dibaddiisa, tan iyo markii dhawaan loo doortay madaxweynaha.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]