4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 19, 2022
Soomaaliya oo Addis Ababa uga qayb gashay shirka caalamiga ah ee Booliiska adduunka Interpol

Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya uga qeyb galay shirka Booliska Adduunka ee Interpol.

Taliyeyaasha Booliska ee ka kala socda dalalka Bartamaha iyo Bariga Afrika ayaa kulan ku yeeshay magaalada Addis Ababa si ay uga wadahadlaan sidii loo xoojin lahaa wada shaqaynta ka dhaxaysa booliska gobolka ee ka dhanka ah dembiyada abaabulan.

Gen. Hijaar ayaa kulan gaar ah la qaatay Taliyaha Booliska Itoobiya Mr. Demelash Gebremicheal, iyadoo Itoobiya ay la wareegtay hoggaanka Booliska Bariga Afrika (EAPCO).

Gebremicheal waxa uu ballan qaaday in dalkiisa ay ka go’an tahay in uu hormuud ka noqdo la dagaallanka dambiyada iyo budhcad-badeedda badda ee gobolka.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]