4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 19, 2022
Kenya oo heshiis ku saabsan Qaadka Miirowga la saxiixanaysa Soomaaliya, 5-ta Luulyo
 

Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Dowladda Kenya ayaa ku dhow inay dib u bilowdo dhoofinta Qaadka Miirowga ee loo iib gayn jiray Soomaaliya, iyadoo heshiis arrintaas ku saabsan la saxiixayo horraanta bisha Luulyo.

Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ayaa shaaca ka qaaday in wadahadalada u dhexeeya labada dal ay marayaan meel wanaagsan, lana filayo in heshiis la gaaro laba toddobaad gudahood ah.

Peter Munya wuxuu sheegay in shanta Luulyo heshiiska lagu saxiixi doonaa magaalada Nairobi.

Kenya ayaa sheegtay in mamnuucidda Qaadka ay keentay in la waayo maalinta kasta in ka badan 50 tan oo qaad ah oo markaas lagu qiimeeyay in ka badan 20 milyan oo shilinka dalkaasi ah.

“Waraabiya oo diyaariya beerihiinna, suuq ayaa la helay," ayuu yidhi Munya, oo u xaqiijiyay beeralayda Qaadka in dhibaatadu dhamaanayso.

Dowladda cusub ee Soomaaliya weli kama hadlin in la fasaxayo Qaadka Kenya ka imaan jiray oo xayiraad la saaray bishii march ee sannadkii 2020.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]