4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 19, 2022
Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo beenisay inay amni darro ka jirto garoomada diyaaradaha
 

Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa sheegtay in aysan jirin wax khatar ku ah badqabka duulimaadyada dalka gudahiisa ah, kadib markii shalay qaar kamid ah shirkaddaha duulimaadyada ay sheegeen inay sababo amni awgeed u joojiyeen duulimaadyada.

War-saxaafaddeed hay’addu ay soo saartay ayay ku sheegtay inaysan waxba ka ogayn warqada lagu baahiyay baraha bulshada ee shirkaddaha duulimaadyada ku sheegeen shaqo joojinta.

Dhinaca kale, qaar kamid ah shirkaddaha duulimaadyada ayaa ka hor yimid go’aanka shirkaddaha kale, waxayna sheegeen go’aankaas inuu yahay mid aan loo dhameyn, iyadoo ku baaqay in wixii jira wada hadal lagu dhameeyo, loona turo shacabka.

Shirkadaha soo saaray shaqo joojinta ee ka cabanayay amni xumada garoomada, ma caddayn nuuca amni darro ee ka jirta garoomada diyaaradaha iyo sababta keentay amni darradaas.

Balse waxay ku adkaysteen in axada maanta ay joojinayaan duulimaadyada gudaha dalka illaa iyo inta laga xaqiijinayo bedqadka duulimaadyada.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]