4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Jun 19, 2022
Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo Xalay Toogasho ku dilay mid ka mid ah rag dhac ka geysanaayay Muqdisho
 

Axad, Juun, 19, 2022 (HOL) - Ciidamada Booliiska Soomaaliya ayaa Xalay toogasho ku dilay mid ka mid ah afar rag oo burcad ah, kuwaas dhac u geysan jiray dadka ku dhaqan Xaafadaha Ceymiska, Carafaat iyo Suuqa Xoolaha, waxaana la sheegay in sadaxdii kale ay baxaadeen.

Toogashada Booliiska Soomaaliya ay u geysteen ninkan ka mid ka ahaa ragga burcada ee dhaca ka geysan jiray xaafadahaasi ayaa la sheegay in dadka xaafadaasi ay ciidamada Booliiska wacdeen markii ay u adkeysan waayeen dhaca joogtada ah ee lagu haayay taasoo keentay in ciidanka Booliiska Xalay ay howlgalka lagu dilay ninka ka sameeyaan xaafada Ceymiska.

Booliiska Soomaaliya waxay tilmaameen in ninka burcadka ahaa inta aanan la dilin uu isku dayay inuu iska caabin sameeyo, taasoo keentay in la toogto.

Dadka deegaanka oo qaarkood la hadalay warbaahinta waxay tilmaameen in shaqo weyn ay qabteen ciidamada dowladda Soomaaliya, ayna ku faraxsanyihiin dilka loo geystay ninka ka mid ka ahaa tuugada, iyagoona ugu baaqay ciidamada dowladda in ay soo qabtaan Raggii kale ee la socday.

Shacabka ku dhaqan degmooyinka gobolka Banaadir ayaa mudooyinkii danbe waxay dhibaato xoogan kala kulmayeen tuugo ku hubaysan hubka fudud kuwaas oo habeen iyo maalin dhac ka geeysata inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online