4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 18, 2022
Xisbiga Waddani oo lagu eedeeyay in uu haysto ciidamo sharci daro ah
 

Sabti, Juun, 18, 2022 (HOL) - Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa musharaxa madaxweynaha xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillahi Cirro, ku eedeeyay in uu haysto ilaalo aan ciidan ahayn.

Warsaxafadeed kasoo baxday Ciidanka Booliiska Somaliland, ayaa lagu sheegay in musharax Cirro, uu haysto ciidamo sharci daro ah, oo aan ka diwaan gashanayn xarunta ciidanka booliiska iyo ciidamada kale midna, ciidankaasi oo ah dad shicib ah oo labis ciidan sita, isla markaana howlgalo sameeya.

"Ciidanka boolisku waxay ka war hayaan in todobadkii u dambeeyay ay guriga musharaxu daganyahay ku soo ururiyeen dad shicib ah oo si sharci daro ah u hubaysan, kuwaas oo habenkii ka dhinac qabta shaqo la mid ah shaqada ay ciidanku ka hayaan gurigaas joojiyana dadka shicibka ah,  baadhana baabuurta mararka qarkoodna rida rasaas dhamaantoodna ku labisan direys tuute ah".

Ciidanka ayaa digniin u diray musharax Cirro, waxayna sheegeen in hadii uu joojin waayo ay noqonayso khayaamo qaran, waxayna ugu baaqeen in musharaxu uu iska fogeeyo cidkasta oo sifo sharci daro ah ku hubaysan, madaama uu haysto ciidan sharci ah oo amaankiisa sugaya.

"Haday sii socotana noqonaya dambi khiyaamo qaran, sida ku cad qodobka 221 ee xeerka ciqaabta guud, sidaa darteed waxaanu uga digaynaa musharaxa xisbiga Waddani iyo cid kasta oo arintaa ku hawlan in ay iska fogayso dadka sharci darada ku hubaysan iyago haysta ciidamadii qaranka ee amnigooda sugaayay"

Booliiska ayaa sheegay in musharax Cirro uu haysto ciidan sharci ah oo amaankiisa sugaya, sida darteedna ay dacwada arrintan u gudbin doonaan hay'adaha ku sharciga leh iyo xeer ilaalinta.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]