4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Jun 17, 2022
Ciidamada dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo la wareegay deegaanka Jiracle ee gobolka Hiiraan
 

Jimco, Juun, 17, 2022 (HOL) - Ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya kuwa deegaanka ee loo yaqaano Macawiisleyda ayaa Saakay la wareegay gacan ku heynta deegaanka Jiracle oo fariisin u aheyd mudooyinkii dambe dagaalamayaasha Al-shabaab, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Todobaadkaan gudahiisa waxaa ka dhacay dhowr jeer inta u dhaxeysa magaalooyinka Matabaan iyo Baledweyne dagaalo xoogan oo dhexmaray Al-shabaab iyo ciidamada loo yaqaano Macawiisleyda.

Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada Macawiisleeyda oo wata gaadiidka dagaalka ayaa saakay lagu arkaya deegaanada dhaca waqooyiga magaalada Baledweyne oo maalmahii lasoo dhaafay inta badan ay ku sugnayeen Al-shabaab.

Xalay ayay aheyd markii dagaal culus  uu ku dhexmaray ciidanka dowladda iyo kuwa Macawiisleyda oo dhinac ah iyo kuwa Al-shabaab deegaanka Bacda oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan, kaasoo wali aysan ka hadlin labada dhinac khasaaraha ka dhashay dagaalka Xalay dhexmaray.

Dagaalada soo noqnoqday ee dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay ka dhacayay deegaanada hoostaga Matabaan ayaa imaanaya xili dhawaanahaanba dagaalmayaasha Al-shabaab isku balaarinayeen deegaanada u dhaxeeya Baledweyne, Matabaan iyo Maxaas.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online