4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 16, 2022
Nabadoon caan ah oo caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo
 

Khamiis, Juun, 16, 2022 (HOL) - Waxaa caawa magaalada Gaalkacyo lagu dilay allaha u naxariistee nabadoon Cabdiqani Xasan Waloore oo kamid ahaa nadoonnada Puntland.

Rag ku hubaysan bistoolado ayaa nabadoonka dilay xilli uu kasoo baxayay masjid salaadii cishe kadib, iyagoo ka baxsaday goobta dilka.

Nabaddoonka ayaa kamid ahaa dadka ka shaqeyn jiray arrimaha nabadda Gaalkacyo, wuxuuna ku biirayaa tiro badan oo nabaddoono ah oo Gaalkacyo lagu dilay tan iyo 2008.

Waa dilkii ugu horreeyay oo madax jebis ah oo magaalada Gaalkacyo ka dhaca muddo ka badan hal sano, kadib markii ay Puntland soo afjartay shabakado dilalka iyo qaraxyada ka geysan jiray magaalada Gaalkacyo.

Nabadoonka caawa lagu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa sannadkii 2011 sidaan oo kale waxaa magaalada Gaalkacyo lagu dilay Aabbihiis Xasan Waloore 00 ahaa nabad caan ah.

Laamaha amniga Puntland weli kama aysan hadlin dilkaan oo kusoo beegmaya xilli maalmihii ugu dambeeyay ay soo baxayeen digniino ku saabsan in Alshabaab ay maleegayso qaraxyo ka dhaca gudaha Puntland.

Hiiraan Online News Disk