4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 16, 2022
Wasiir ka tirsan maamulka Hirshabeelle oo iscalisay

Khamiis, Juun, 16, 2022 (HOL) - Wasiirka Wasaaradda dib u heshiisiinta maamul goboleedka Hirshabeelle Cabdikariin Cali Nuur ayaa si rasmi ah u  shaaciyay inuu iska casilay xubininadii golaha wasiiradda Hirshabeelle.

Cabdikariin Cali Nuur ayaa warqadiisa is casilaada u gudbiyay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, sida ku cad warqada is casilaada ee uu qoray Cabdikariin Cali Nuur 14-kii bishaan Juun 2022.

Waxuu ku tilmaamay is casilaadiisa iney sabab u tahay fulin la'anta balanqaadyadii uu madaxweynaha Hirshabeelle uu ku tagay magaalada Baledweyne, taasoo aheyd in uu saxayo awood qeybsiga dhismaha dowlad goboleedka Hirshabeelle oo mudo badan tabasho ka qabeen reer Hiiraan.

Iscasilaada wasiirkaan ayaa imaaneysa xili madaxweynaha Hirshabeelle uusan wali ka fulin hal qodob heshiisyadii uu Baledweyne kula soo galay odayaasha dhaqanka Beelaha Xawaadle.

Hoos ka akhriso qoraalka Wasiirka iscalisay:-


Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online