4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 16, 2022
Dad Soomaali ah oo lagu dilay galbeedka gobolka Sitti ee dowlad degaanka Soomaalida
 

Khamiis, Juun, 16, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya galbeedka gobolka Sitti ee degaanka Soomaalida ayaa sheegaya in dad shacab ah oo ku arooray meel webi ah oo galbeedka ka xigta magaalada Cundhufa ay Canfar ku weerartay halkaas, kuna dishay ilaa 6 qof 4 kale oo ay mid haween tahayna ku dhaawacmeen.

Dadkan ay Canfartu soo weerartay ayaa ahaa dad shacab ah, oo xilliyadan oo ay abaar kululi ka jirto degaankaas usoo aroor tagay goobtan si ay biyo uga helaan, balse ay dhibaato kasoo gaartay, oo ay inbadan naftoodii ku waayeen.

Weerarkan cusub ee ay Canfartu ku laysay dadka shacabka ah ayaa kusoo hagaagaya xilli maalin un ay kasoo wareegtay heshiiskii hordhaca ahaa, iyo xabbad joojintii la kala dhex dhigay Soomaali iyo Canfar, kaas oo ka dhacay magaalada Naasireet/Adhama ee dalka Itoobiya.

Mid kamid ah Odayaal dhaqameedka degaanka Soomaalida kana mid ah guddida wada hadalka Soomaalida iyo Canfarta, oo lagu magacaabo Suldaan Foozi ayaa dhankiisa waxa uu weerarkan cusub ku tilmaamay mid aan ku cusbayn nolosha, oo marwalba ay iska dhacdo in heshiiska inta lagu guda jiro ay qolo walba dhankeeda is tiraahdo kasii faa'idaysta.

Balse waxa uu Suldaanku hoosta ka xariiqay inay dhacdadan cusub la wadaagayaan Wasaaradda Nabadda ee heer Federal, maadaama heshiiska ay ku jirtay in ciddii xabadda billowda laga tallaabo qaado, wuxuuna Suldaanku shacabka aagaas deggan kula taliyay inay in intii Nabad laga helayo ay is difaacaan oo ay taxadar dheeri ah muujiyaan, goobaha ay ku sugan yihiina xajistaan

Colaadda Soomaalida iyo Canfarta oo u badan dhul u dhaxeeya labada degaan, ayaa marar badan wada hadal laga gaaray iyadoo marwalba oo heshiiska laga faraxasho ay cusboonaanaysay dagaal hor leh oo inta badan ka imaanaya dhinaca Canfarta.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]