4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 16, 2022
Koomiishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland oo sheegay in tacadiyo loo gaystay siyaasiyiin iyo wariyayaal xidhan
 

Khamiis, Juun, 16, 2022 (HOL) - Warbixin uu soo saaray Koomiishanka Xuquuqal Insaanka Somaliland, ayaa lagu sheegay in booliiska Somaliland jidhdil u gaysteen siyaasiyiinta mucaaradka iyo wariyayaashii la xidhay mudaharaadkii 9 June Hargaysa ka dhacay.

Warbixinta ayaa xustay in waraysiyo ay la yeesheen xubnaha xidhan, ay ku ogaadeen in jidhdil loo gaystay markii la qabanayay iyo markii Saldhiga Dhexe ee Hargaysa la keenayba.

"Sida ku cad xogta iyo caddaymaha ay nala wadaageen xubnahaasi, waxaa loo gaystay jidhdil markii la xidhayay iyo markii ay Saldhiga Dhexe ee Hargaysa ku jireen, waxa kale oo ay noo sheegeen in dadkii dhaawacyada u gaystay soona xidhay anay sidan wax astaan ah oo caddaynaysa ciidan-nimadooda" ayaa lagu yidhi warbixinta.

Hoos ka akhriso warbixinta oo faahfaahsan:-



Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]