4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 16, 2022
Xukuumada Somaliland iyo madax-dhaqameedka bariga Sanaag oo heshiis gaadhay

Khamiis, Juun, 16, 2022 (HOL) - Xukuumada Somaliland iyo beelaha bariga Sanaag, ayaa gaadhay heshiis ay beeshu si buuxda ugaga mid noqonayso Somaliland, isla markaana si lamid ah shacabka kale ee Somaliland ay dhib iyo dheefba Somaliland la qaybsato.

Shirkan oo la magac baxay mideeye, oo uu ka qayb galay madaxweynaha Somaliland, madaxda labada gole iyo saraakiil iyo wasiiro ka tirsan xukuumada Somaliland, ayaa sida afhayeen u hadlay guurtida shirku sheegay diirada lagu saaray arrimaha nabadgalyada, siyaasada, cadaalada iyo horumarinta beelahan.

"Shirkan oo lagu gorfeeyay arrimaha siyaasadeed, nabadgalyo iyo horumarineed ee beelaha Warsangali iyo xukuumada J. Somaliland, ayaa diirada lagu saaray xoojinta hay'addaha dowlada, amniga, cadaalada iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyo awood qaybsiga xukuumada Somaliland iyo beelaha Warsangali".

Afahayeenka ayaa sheegay in lagu heshiiyey in beeshu si buuxda uga mid noqoto Somaliland "Beesha Warsangali waxay si buuxda uga midtahay beelaha J. Somaliland, waxayna la wadaagtaa dhib iyo dheef sida nabadgalyada, horumarinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha, iyo difaaca qaranka".

Labada dhinac ayaa sidookale ku heshiiyay in hoos loo eego tabashada beelahani ay ka qabaan saami qaybsiga Somaliland, in degmada Dhahar gobol loo magacaabo, in maamul daadajinta xukuumada Somaliland la gaadhsiiyo dhamaan deegaanada beeshu degto, in beeshu saami ku yeelato waaxaha garsoorka iyo fulinta, iyo in saami shaqaale la siiyo.

Shirkan ay xukuumada iyo beelahani heshiiska ku gaadheen, ayaa socday 6/ 6/ 2022 ilaa 15/ 6/ 2022, waxaana heshiisyada shirka lagu gaadhay fulintoodu ku dhamaystirmi doonta mudo 5 bilood ah heshiiska kadib.


Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]