4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 16, 2022
Somaliland: Siyaasiyiin iyo wariyayaal maxkamad la hor keenay
 

Khamiis, Juun, 16, 2022 (HOL) - Maxkamada Gobolka Maroodijeex ayaa 12 siyaasi oo ka tirsan axsaabta mucaaradka Somaliland iyo laba wariye oo lagu soo qabtay mudaharaadkii 9 June mucaaradku Hargaysa ka dhigeen, u jartay 7 cisho oo xabsi ku sii hayn ah, kadib markii saaka la horkeenay.

Masuul u hadlay xisbiga Waddani ayaa xukuumada ku eedeeyay in ay sharciga ku tumanayso, isaga oo sheegay in mudo kabadan mudadii sharcigu ogolaa ay siyaasiyiintan iyo wariyayaashani xabsiga ku jireen.

"Waxa ayaan daro ah in distoorkii xukuumadu ku tumanayso, qodobka 27aad ee distoorku waxa uu damaanad qaadayaa qofka muwaadinka ah ee la xidho in 48 saac gudahood maxkamad lagu horkeeno, lana sheego waxa lagu eedaynayo, taasi may dhicin, Khamiista Khamiisteedii ayaa la xidhay" ayuu yidhi.

Siyaasiyiintan oo uu ku jiro guddoomiye ku xigeenka xisbiga Waddani Axmed Cumar Cabdillaahi Xamarje, isla markaana ay kamid yihiin xogeeyayaal, xogeeye ku xigeeno, guddoomiyayaal gobol iyo saraakiil kale oo magac ku leh xisbiyada mucaaradka, ayaa la xidhay 7 cisho kahor, kadib mudaharaad mucaaradku Hargaysa ka sameyeen.

Saxafiyiinta iyagana laga soo xidhay iyaga oo tabinaya dhacdada mudaharaadka ayaa kala ah Muxuyadiin Aadan Ismaaciil oo HCTV ka tirsan iyo Xamse Maxamuud Maxamed Geelle oo ka tirsan Saab TV.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]