4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 15, 2022
Waligaa ma booqatay daryeelka Caafimaad ee ACIBADEM


Arbaco, Juun, 15, 2022 





Maxaad ka taqaanaa ACIBADEM Healthcare Group?

ACIBADEM Healthcare Group waxay adeegyada daryeelka caafimaadka kasoo bilowday cisbitaal xaafadeed oo ku yaalla degmo kamid ah magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga. Maanta, ACIBADEM waxaa ay kamid tahay hoggaamiyayaasha daryeelka caafimaadka, waxaana ay leedahay 22 cisbitaal, 14 xarumuud oo loogu talagalay bukaan socodka iyo shirkadaha adeeg bixinta. Kobaca degdega ah ee ACIBADEM ayaa horseeday in sannadkii 2012 ay heshiis iskaashi wadajireed la saxiixdaan IHH Healthcare, taas oo noo suurtagelisay inaan ka mid noqonno silsiladda labaad ee ugu weyn adduunka ee bixiya adeegyada daryeelka caafimaadka.

Hadafkeenii ballaarinta adeegyadeena dibedda waxaa uu sannadkii 2011 ku bilowday cisbitaalka ACIBADEM Sistina, ee ku yaalla magaalada Skopje, oo ah caasimadda iyo magaalada ugu weyn Waqooyiga Macedonia. Sannadkii 2016 waxaan la wareegnay Tokuda Group iyo City Clinic Group ee dalka Bulgaria. La wareegidaasi kaddib, ACIBADEM Healthcare Group ayaa noqotay adeeg bixiyaha daryeelka caafimaad ee ugu weyn dalka Bulgaria. Intaas kaddib, ACIBADEM International Medical Center ayaan ka daah-furnay magaalada Amsterdam sannadkii 2017, taas oo leh cabir 5.000 mitir oo laba jibbaaran. Sidoo kale sannadkii 2021 waxaan la wareegnay ACIBADEM Belmedic ee dalka Serbia, taas oo horseeday in aan yeelano 22 cisbitaal iyo 14 xaruumood oo lagu daaweeyo dadka bukaan socodka, waxaana xurumahaasi ay ku kala yaalla shan wadan.

WAXA AAN QABANO?

Dalka Turkiga waxaa sannad kasta u soo safra bukaanno badan oo ka kala yimaada meelo kala duwan oo adduunka ah si ay u helaan daryeel caafimaad. Dadkaasi ayaa doorbida in ay tagaan ACIBADEM Healthcare Group oo ka hela adeeg wanaagsan, iyadoo isticmaaleysa farsamada ugu horumarsan ee tignoolajiyada adduunka, waxaana ay heysataa khubarro xirfadooda ay sarreyso oo buuxiyay heerarka tayada caalamiga ah (International quality


Si ay u helaan daryeel caafimaad oo buuxa, ACIBADEM ayaa waxay qorsheysay goob ay ugu tala-gashay bookaan-socodyada halkaas oo lagu daryeelo ilaa ay ku noqdaan dalkooda.

Marka bukaannada caalamiga ahi ay doortaan in dalka Turkiga ay u yimaadaan arrimo caafimaad, xafiisyada macluumaadka ee ACIBADEM ayey si fudud uga heli karaan qorshaha safarkooda iyo qarashka ku baxaya. ACIBADEM ayaa ilaa iyo hadda leh 46 xafiis oo laga heli karo macluumaadka oo ku kala yaalla 25 wadan iyo 45 magaalo oo ku teedsan meel ka baxsan dalka Turkiga. Bukaannada caalamiga ah marka ay yimaadaan garooomada diyaaradaha ee dalka Turkiga, waxa si diirran loogu soo dhawaynayaa xafiiskeena. Waxaa ay xafiiskeena ka helayaan Wi-Fi ilaa inta laga wareejinayo ama laga wadayo. Bukaannadeena waxaa si toos ah loo geyn doonaa hoteeladooda ama cisbitaalada, iyagoo raacaya gawaari gaar ah. Turjubaannadeena ayaa bukaannada kusoo dhoweynaya goob caafimaad oo ku dhex-taal isbitaalka. Turjubaanadu waxay bukaannada caawin doonaan mudada ay socoto daaweyntooda. Turjubaanadeeda waxaa ay ku hadlaan 20 luuqadood oo kala duwan.

MAXAY TAHAY SHAQADEENU?

Dhammaan isbitaallada hoos-yimaada ACIBADEM waxay u qalmaan heer caalami ah. Wuxuuna leeyahay: 11 xarumuud oo Kansarka ah (surgical, radiotherapy, chemotherapy), 16 Xarumaha daryeelka wadnaha (pediatric and adult cardiology and cardiac surgery), 14 Xarumaha Bacriminta  (Vitro Fertilization Centers), 10 Xarumaha badallidda xubnaha (Organ Transplantation Centers), 10 Xarumaha Laf dhabarta (Spine Centers), 3 xarun oo lagu daaweeyo dhaawacyada Isboortiga oo ay aqoonsantahay FIFA iyo 6 Robotic Surgery Centers, dhammaantood waa xaruumo la aqoonsan yahay oo heer qaran iyo heer caalami ah, iyadoo ay ugu wacan tahay qalabkooda tignoolajiyada casriga ah iyo khibrad sare ee ay u leeyihiin xirfadahooda.

QAYBTA KANSARKA

ACIBADEM Healthcare Group ayaa bixisa habab baaritaano horumarsan iyo daawayn kala duwan. Marka la baarayo Kansarka,ACIBADEM waxay bixisaa PET CT, SPECT CT, Ga-68 PSMA, iyo Ga-68 DOTA oo ay la socoto khibrad sare. Daawaynta Kansarka,ACIBADEM waxaa ay bixisaa habab badan oo qaliin ah sida, Medical Oncology, Radiation Oncology iyo Nuclear Medicine. ACIBADEM ayaa si weyn u maalgelisa tignoolajiyada daaweynta Kansarka (Technology for Cancer Treatment).

Cyberknife®: Cyberknife® waa nidaamka qalliinka shucaaca ee robotik (Robotic radiosurgery system), kaas oo si heer sarre ah wax u daaweyn kara, xitaa ilaa hal millimitir gudahood. Nidaamka ayaa daaweyn kara xadi badan oo shucaac ah, habkan ayaa sidoo kale nuudayaasha caafimaadka qaba ka difaacaya waxyeellada ka yimaada shucaada.

Gammaknife®: Gamma Knife® waa farsamadii ugu horreysay ee qaliinka shucaaca (Radiosurgery technique) ee lagu daweeyo burooyinka iyo cilladaha kale ee maskaxda. Qaliinka shucaaca ee Gamma Knife®, nuudayaasha bartilmaameedka ah ayaa helaya qiyaas aad u sarreeya oo shucaac ah ugu badnaan 5 fadhi, halka nudaha maskaxda ee ku xiga ay bannaanka soo dhigaan kaliya qiyaas aan yarayn oo shucaac ah.

MRIdian: Sannadkii 2019 ayaan daah-furnay nidaamka 9-aad ee aduunka iyo midkii 3-aad ee Yurub ee MRIdian® Linac kaas oo adeegsada tignoolajiyadii ugu dambeeysay. Farsamada ku salaysan MRI ayaa nuudayaasha caafimaadka qaba u ilaalisa sida ugu macaquulsan, iyadoo qalabka raadraaca ee xoogga leh uu hubinayo oo keliya qaddarka saxda ah ee shucaaca la soo qoray. MRIdian® Linac waxaa ku dhegan MRI technology oo sahlaya aragtida burada, waxaana ay bukaanka u fududeysaa in uu maareeyo qorshihiisa. Waxay si sax ah u bartilmaameedsataa burada, iyadoon waxyeello u geysan nuudayaasha iyo unugyada caafimaadka qaba ee ku hareeraysan.



TomoTherapy: TomoTherapy® waa hab daawayn oo ka soo baxday tignoolajiyada horumarsan. Waxaa loo isticmaalaa in lagu qabto howsha shucaaca gaarka ah ee 'la habeeyey' ee bukaan kasta ‘customized’ radiotherapy. TomoTherapy® waxa ay bixisaa hab isku dhafan oo ah daaweynta shucaaca, isku darka sawir-qaadista iyo bixinta daawaynta si markaa si sax ah loo beegsado noocyo kala duwan oo kansar ah. Bukaanno badan oo gaaray xadiga ugu sarreeya ee dulqaadka shucaaca ayaa qaadan kara daaweynta shucaaca ee (Radiotherapy with TomoTherapy®.

TrueBeam®: TrueBeam® waa nidaam si degdeg oo sax ah loogu daweeyo kansarka iyadoo laga fogaanayo nuudayaasha iyo xubnaha caafimaadka qaba. Tilmaamaha ugu muhiimsan ee TrueBeam® waa inay ku siin karto daawayn dhakhso leh, badbaado leh oo sidoo kale waxtar leh. Tilmaamaha taxadarka leh ee socodka shaqada tooska ah ee nidaamka TrueBeam® wuxuu isticmaalaa tilmaamo muuqaaleed tayo sare leh oo sax ah si kor loogu qaado badbaadada loona yareeyo muddada daaweynta. Markaas ayuu awoodaa in uu si wanaagsan u arko macluumaadka yaryar.

VitalBeam®: VitalBeam® ayaa bixisa tignoolajiyad nooc-xoog-sare leh (high-intensity mode technology) ee sida degdega ah u daaweysa xaaladaha adag. Tiknooloojiyada VitalBeam waxay bixisaa daawaynta jirka oo dhan. Waxay awood u siinaysaa takhtarka inuu si sax ah u tilmaamo burada, si uu ula socdo meesha ay ku jirto inta daawaynta ay socoto, oo uu wax ka beddelo ku dhejinta bukaanka si loo saxo. Iyada oo leh qaabkeeda xoojinta sare ee VitalBeam® ayaa hadda waxaa ay tahay mid saxan, dhakhso badan oo ammaan ah.

XARUUMAHA DARYEELKA WADNAHA

Xarumaha daryeelka wadnaha ee ACIBADEM Healthcare Group ayaa ku tartamaya heer caalami si ay u bixiyaan daryeelka wadnaha ee ugu casrisan ee Turkiga. Waxaan u isticmaalnaa qalabka tignoolajiyada ugu casrisan ee baaritaannada hore iyo daawaynta cudurada wadnaha (State-of-the-art technological equipment). Waxaan bixinaa baaritaanno heer sare, daaweynta, iyo adeegyada casriga ee taageerada. Waxaadna intaasi oo dhan ka heleysaa xarumaheena 16-ka ah oo ay kamidka yihiin xarumaha wadnaha ee carruurta halkaasoo cudurrada lagu dhasho ee wadnaha loogu daaweeyo si guul leh.



QAYBTA DARYEELKA WADNAHA EE CARRUURTA

Xarunta Wadnaha Carruurta ee ACIBADEM ayaa bixisa adeegyada daryeelka wadnaha carruurta oo dhammaystiran, iyadoo aad ka heli karto baaritaan iyo daawayn ay la socoto daryeel heer sare ah gudaha Turkiga (World-class care in Turkey). Xarunteenu waa xarunta tixraaca cudurada wadnaha ee lagu dhasho. Heerka guusha shaqadeena waa 90% oo ay ku jiraan xaaladaha halista ah ee dhallaanka iyo carruurta.

QAYBTA BADALIDDA XUBNAHA

Xarumaha ACIBADEM ee tallaalida xubnaha (Organ Transplant) ayaa bukaannada ugu adeega habka kaabayaasha farsamo ee waafaqsan heerarka caalamiga ah (International standards). Waxaan leenahay 10 xarumood oo lagu tallaalo xubnaha. ACIBADEM Healthcare Group ayaa noqotay xarun leh tixraac lagu daaweyo xaalada badan oo adag. Khubarada ACIBADEM Healthcare Group ayaa isticmaala tignoolajiyada talaallida xubnaha ee ugu dambeysay (the latest transplant technologies). Bukaannada waaweyn iyo carruurta ee loo tallaalayo kelyaha iyo beerka ayaa la seexiyaa xarumaheena.

XARUMAHA TALLAALIDA DHUUXA LAFAHA

ACIBADEM ayaa bixisa daawayn heersare ah oo loogu talagalay dadka waaweyn iyo bukaannada carruurta labadaba. Dhammaan adeegyada xarumaha ayaa lagu bixiyaa si waafaqsan heerarka caalamiga. Cisbitaalka ACIBADEM wuxuu isticmaalaa tignoolajiyada beddelka ama talaallida xubnaha ee ugu dambeeyay, iyadoo la kaashanayo koox khibrad taqasusi ah leh oo bukaannada siinaya fursada ugu wanaagsan ee badbaadada.

XARUMAHA DHALMO LA’AANTA IYO DAAWADA TARANKA (REPRODUCTIVE SYSTEM)

Xarumaha dhalmo la’aan ee ACIBADEM ayaa bixiya hab isku dhafan oo ku saleysan caddeymaha daaweynta dhalmo la’aanta, waxaana kooxda naxariista badan ay ka caawinayaan bukaanka tallaabo kasta oo ku saabsan xaaladan. Xarumaheena ayaa si guul leh u hirgeliyay dhammaan hababka baaritaannada iyo daawaynta oo ay ku jiraan soo-saarka ugxan-sidaha, bacriminta macmalka ah, bacriminta vitro-ga, microinjection, hababka kale ee manipulation micro iyo biopsy xiniinyaha iyo sidoo kale qalliinka laparoscopic iyo hysteroscopic.



XARUMAHA LAFDHABARKA (SPINE)
Xarumaheena 10-ka ah ayaa bixiya adeegyo horumarsan oo daaweyn ah. Inta lagu jiro howlaha daaweynta, dhaqaatiirteena takhasusiga ah waxaa ay gaaraan natiijo wanaagsan oo ay ugu wacan tahay fursadaha ay bixiyaan aaladaha teknolojiyadda horumarsan sida aaladda EOS oo soo qaada sawirrada 3D oo yareysa shucaaca, waxay sawirro tayo sare leh ka bixisaa dhammaan qaybaha jirka oo leh awoodda sawirka jirka oo dhan. Inta lagu jiro hababkan baaritaannada iyo daawaynta, khubaradeena ayaa awood xooggan u siineysa xog is dhaafsiga degdega ee u dhaxeeya waaxyaha; tani ayaa yareyneysa luminta wakhtiga waxayna u ogolaataa u gudubka marxaladda xalinta bukaannadeena qaba xanuunnada spinal-ka (spinal disorders). Adeegyada ay bixiso xarunta ayaa kala ah, cilladaha laf dhabarta ee carruurta iyo dadka waaweyn, scoliosis, kyphosis, vertebral displacement, burooyinka spinal-ka, xanuunka spinal-ka iyo dhaawacyada, posture disorders, iyo jabka osteoporotic.

DAAWEYNTA NEERFAHA

Waaxyaha qalliinka neerfaha ee ACIBADEM Healthcare Group, ayaa bixisa adeegyo caafimaad oo horumarsan iyo waaweyntooda sida burooyinka maskaxda, Deep brain stimulation (DBS), stereotactic brain biopsy, qalliinka spinal-ka iyo falanqaynta xaaladaha socodka. ACIBADEM waxay sidoo kale bixisaa adeegyo daaweyn oo casri ah oo lagu daaweeyo qalliinka neerfaha ee carruurta, sida epilepsy, cerebral palsy iyo qalliinnada burooyinka. Dhakhaatiirta qalliinka neerfaha ee ACIBADEM waxay isticmaalaan tignoolajiyadii ugu dambeeyay (sida PET-CT, CyberKnife iyo Gamma Knife) ee laga heli karo qalliinka neerfaha.