4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 15, 2022
Madaxweynaha Soomaaliya oo raysal wasaaraha dalka u magacaabay Xamsa Cabdi Barre

Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud ayaa xilka raysal wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamsa Cabdi Barre oo katirsanaa barlamaanka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheikh oo shir jaraa’id qabtay isagoo uu dhinac taagnaa raysal wasaaraha cusub ayaa sheegay in raysal wasaare Xamse uu yahay qofka ugu mudan ee kasoo bixi karo xilkan.

Madaxweynaha ayaa barlamaanka ugu baaqay inay si degdeg ah u meel mariyaan raysal wasaaraha cusub, si dalka uu u yeesho xukuumad cusub.

Wuxuu raysal wasaaraha kula dardaarmay inuu dardar galiyo arrimaha hortebinta leh sida gurmadka abaaraha dalka, amniga, dib u heshiisiinta iyo horumarinta bulshadda.

Raysal wasaaraha cusub Xamse Cabdi Barre oo hadlay ayaa aqbalay xilka loo magacaabay, wuxuuna ballanqaaday inuu soo dhisidoono xukuumada tayo leh oo dalka iyo dadka samatabixisa islamarkaana uu ka shaqeyndoona sidii dalka Soomaaliya uu mar kale cagihiisa ugu istaagi lahaa.

Arrimaha uu sheegay in xukuumadiisa ay xoogga saaridoonto waxaa kamid ah, sida uu sheegay, dhameystirka dib u eegista dastuurka, helista garsoor hufan, horumarinta dhaqaalaha dalka iyo shaqo abuurka dhalinyarada Soomaaliyeed.

Raysal wasaare Xamse ayaa horey loo hadal haayay magacaabidiisa, waxaana la filayaa in maalinta sabtida uu hortago barlamaanka Soomaaliya si uu uga codsado inay siiyaan codka kalsoonida.

Dib Ayaan idinkagasoo gudbindoonnaa taariikha raysal wasaaraha cusub.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online
[email protected]