4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 15, 2022
Madaxweynaha Somaliland oo si adag uga hadlay ka bixitaan danjiraha Soomaaliya ee kulankii Nairobi
 

Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa talaabada uu danjiraha Soomaaliya kaga baxay shirkii Nairobi joogitaanka wakiilka Somaliland awgeed, ku tilmaamay wax aan Somaliland qaban, wuxuuna sheegay in uu sugayo sida dowlada Soomaaliya uga jawaabto.

Madaxweynaha ayaa wax lala yaabo ku tilmaamay in danjire Tarsan uu shirka firaaqeeyo joogitaanka dibulumaasiyiinta Somaliland ee kulanka awgeed, madaxqeynuhu waxa uu sheegay in uu rajaynayay in Tarsan uu wakiilka Somaliland ee Nairobi Maxamed Axmed Hurre (Barwaani) salaamo oo uu dadka kale kasoo dhawaysto.

"Wuu baxay isaga oo leh anaga iyo Somaliland meel ma wada fadhiisan karno, waa arrin ugub ah intii Soomaaliyi jirtay, nin Soomaali ah oo meel fadhiya oo nin Soomaali ahi u yimid in uu salaamo oo ay dadka iska xigasadan mooyaane in uu dudo oo uu yidhaahdo meel la fadhiisan maayo xaajadaasi waa ugub " ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa talaabada danjire Tarsan uu shirka kaga baxay ku tilmaamay arrin aan Somaliland qaban, waxa uu sheegay in uu ka war sugayo sida dowlada Soomaaliya uga jawaabto ficilka danjiraha.

"Waxan ka warsugayaa dowlada Xamar iyo Soomaaliya arrintaa waxay kaga jawaabaan, markaynu taa ogaano ayaynu ogaanaynaa in ay qof ku ekayd iyo in dareenku halkaaba ka taaganyahay, lakiin waa arrin mucjiso ah oo anay Somaliland sina u gayin, qaadana karin" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Danjiraha Soomaaliya u fadhiya magaalada Nairobi ee caasimada Kenya Maxamed Axmed Nuur (Tarsan), ayaa si cadho leh uga baxay kulan qado ah oo uu madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta la yeeshay danjirayaasha shisheeye ee Nairobi ku sugan maalintii Salaasada, kadib markii uu Kenyatta kulanka kusoo martiqaaday dibulumaasiyiinta Somaliland.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online
[email protected]