4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 15, 2022
TPLF oo sheegtay inay diyaar u yihiin in wada hadal ay lagalaan dowladda Itoobiya
 

Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Kooxda TPLF ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin in wada hadal ay la galaan dowladda Itoobiya, taas oo ay dhex dhexaadinayso dowladda Kenya si loosoo afjaro colaadda Itoobiya iyo TPLF ee sannadka kor u dhaaftay.

Hoggaamiyaha TPLF Debretsion ayaa dhankiisa uu sheegay inay diyaariyeen wafdi heer sare ah oo wada hadal lagala dowladda Itoobiya, taas oo ay garwadeen ka tahay dowladda Kenya.

TPLF oo horey looga bartay inay shuruud ku xirto wada hadalka ay lagalayso Itoobiya, ayaan hadda wax shuruud ah ku xirin wada hadalka haatan la rajaynayo inuu dhex maro Itoobiya iyo TPLF.

Ra'iisal wasaaraha Itoobiya Abiyi Axmed ayaa maalinimadii shalay waxa uu barlamaanka dalkaasi ka hor caddeeyay in dowladdiisu diyaar u tahay in wada xaajood ay la gasho kooxda TPLF, isagoo xusay inuu sameeyay guddi wada hadalka iyaga iyo TPLF u qaabilsan.

Labada dhinacba waa Itoobiya iyo TPLF waxaa ka muuqata inay wada hadal diyaar u yihiin, oo ay ka daaleen dagaal balse ma cadda waxa uu mid walba dhankiisa diyaarsaday ee uu la imaan doono miiska wada hadalka.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]