4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 15, 2022
Faahfaahino kasoo baxaya Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo hoygiisa lagu weeraray

Arbaco, Juun, 15, 2022 (HOL) - Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar Bambaano oo Xalay lagu qaaday hoyga uu ka dagan yahay magaalada Muqdisho Xildhibaan Jabriil Cabdirashiid Xaaji oo ka tirsan Baarlamaanka Fedaraalka Soomaaliya.

Xildhibaan Jabriil ayaa ka badbaaday weerarka Bambaano ee Xalay lagu qaaday hoygiisa oo ku yaala xaafada Taleex ee degmada Hodan ee gobolka Banaadir.

Xildhibaanka la weeraray ayaa ka mid ahaa Xildhibaanadii laga soo doortay magaalada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, waxaana saraakiil ka tirsan laamaha amaanka ay sheegeen in weerarkaasi uu geystay khasaare kooban oo gaaray ilaalada Xildhibaanka hoygiisa lagu weeraray.

Ciidamo ka tirsan Booliiska degmada Hodan ayaa gaaray daqiiqado kadib marka uu dhacay weerarka Bambaano ee lagu qaaday guriga Xildhibaan Jabriil, kuwaas oo howlgalo baaritaano ah ka sameeyay agagaarka hoyga Xildhibaanka, hayeeshee maysan ku guuleysan iney gacanta kusoo dhigaan ragii weerarka Bambaano fuliyay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online